Allbanaadir.com
NEWS

Danjire Tarsan oo Raaligelin ka bixiyay hadal uu ku weeraray Madaxweyne Deni iyo Beeshiisa

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa raaligelin ka bixiyay muuqaal laga duubay oo lagu faafiyay baraha bulshada, kaa uu wax uga sheegayay Madaxweynaha Puntland iyo beesha uu kasoo jeedo.

Tarsan ayaa muuqaalka laga duubay ku sheegay in beesha Cismaan Maxamuud ee Majeerteen ay tahay Jareer asal ahaan laga keenay Zinzibaar, waxa uuna tusaale ahaan usoo qaatay Madaxweyne Deni uu ku sifeeyay nin muuqaal Jareer leh.

Qoraal kooban uu soo saaray Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayuu raaligelin uga bixiyay hadalka kasoo yeeray, waxa uuna si gaar ah u raaligeliyay beesha Cusmaan Maxamuud, Madaxweyne Deni iyo Boqor Burhaan.

‘Aniga oo ah Danjire Maxamuud Axmed Nuur, waxaan si buuxda raalli gelin uga bixinayaa hadalka baraha bulshada la wareejinayo oo ah mid aan anigu iri. Qof kasta oo dhibsan kara ayaan si niyad ah uga raalli gelinayaa gaar ahaan Beesha Cusmaan Maxamuud, Boqor Burhaan iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.’ ayuu yiri Tarsan.
Hadalkan kasoo yeeray Tarsan ayaa hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, waxaana hadalkaasi si weyn uga carrooday uga falceliyay dad kasoo jeeda beesha uu Tarsan ku tilmaamay in Zanzibaar asal ahaan laga keenay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xasan Shiikh “Walaalnimada Somalia & Jabuuti waxaa ku kordhay Gacal iyo xididnimo” (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mashruuca daryeelka hooyada & dhallaanka oo lagu kordhiyey Isbitaalka Jaamacadda Benadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil booqatay degaanka Busley oo shalay lagu weeraray ciidanka DF (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---