Booliiska Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen goordhaw ku shaaciyay in goordhaw magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdicasiis ka dhacayo qarax ay ku sheegeen in uu yahay mid nabadeed.
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Saadaq Doodisho ayaa shacabka magaalada Muqdisho ku wargaliyay, haddii ay maqlaan dhawaqa qaraxa uu yahay mid nabadeed ayna dejiyaan xaaladooda.
”Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Degmada Cabdicasis ogeysiinaynaa in dhawaan la sameyndoono Qarax-nabadeed. Sidaas daraadeed, hadii ay maqlaan dhawaq ama shanqar qarax sidaas ula socdaan.” ayuu yiri afhayeenka booliiska.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca mararka qaar qaraxyo ay sameeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, waxaana shacabka oon wargalin heyn u qaataan qaraxyadaasi in ay yihiin kuwa magaalada ka dhacay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com