Erayga dib u warshaday afka Ingiriisiga waxa lagu yidhaahda (Recycling). Waana hab lagu beddelo walxaha qashinka noqday iyaga oo loo beddelayo walxo cusub, Ama waa daweynta walxa qashinka daalay noqday si mar labaad looga faa’iidaysto iyada oo loo beddelayo kheyraad la isticmaali karo mar kale, Inta badan habka waxa lagu sameeyaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin biyaha, biraha, warqadaha, caagaga, dharka iwm, kuwaas oo uu Aadanuhu u isticmaalo nolol maalmeedkiisa. Laakiin hadana ereygan (Recycling) ayaa sidoo kale lagu dabaqi kara waxyaabo badan laga soo bilaabo aragtiyo ilaa laga so gaadho dhacdooyinka siyaasadaha.
Qormadan waxan kaga hadli doona wax aan u bixiyey Dib-u-warshadaynta Siyaasiga, Tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Qaboobaa ee Qarnigii hore, dunnidu waxay marqaati u ahayd isku dayo lagu baadi goobayo wax lagu sheegayey Nidaamka cusub ee Aduunka, Iyado kaas la raadinayo ayaa hadana dhanka kale Soddonkii Sano ee la soo dhaafay Siyaasaddaha Caalamku goob joog u ahayen Nidaamyo dib u Warshadayn Siyaasiya.Mararka qaarna xatta dib u Warshadayntasi waxay soo labanaysay ka wax ka badan hal iyo labo, Taas oo aan ku koobnayn Dal keliya balse ku fiday dhammaan inta badan Caalamka.
Sanadihii la soo dhaafay Fikrada dib u warshadaynta Siyaasigu waxay gadhay halkii ugu saraysay Tariikhda, Ila la gaadhay in dib lo soo amaamudo Nidaam Siyaasadeedkii Aduunka ka jiray Dagaalkii labaad iyaga oo irkashada Xal mooday, Ka dib markii ay ku hungobeen isbedelkii ay nawilayeen ila mudo, Arimahaasina Waxay marag u yihiin dhamaadka Taariikhda Nidaamkii Isbeddel doonka Galbeedka iyo soo ifbaxa Bariga.
Marka la eego raadinta in la sameeyo Nidaam Caalamiya oo cusub waxa uu noqday hadaf aan la gadhayn, Waayo Washington Maanta ayey weli raadinaysa isbahaysi kaas oo Ruushka iyo China la cadaadiya.
Hadan ku so dhawaado Cinwaanka Qormadan Dib u Warshadaynta Siyaasiga ah Waxan uga jeeda waa in Siyaasigii shalay kursiga fadhiyey u Maanta ku so noqdo booskii shalay laga diray isaga oo hebelkiiya oo Aragtidiisi shalay wax yar uun ka bedelay ama xatta aanu waxba ka bedelin tii shalay, Waxa iyana taas la mida in Siyaasiga Maanta jooga uu beri soo noqdon doono.
Haddii aad arinka baadho Maanta waxad heli karta Tusaalayal aad badan ila xad, Balse aan qaar ka mida so qaato Tusalayaasha kuwaas ay ku jiran Masuuliyiin is casilay Xilka, Kuwo danbiyo lagu soo oogay oo Maxkamado la geyey iyo qaar la xidhay shalay balse dhamaantood Maanta jooga Booskii Shalay laga eryey.
1. Donald Trump waxa uu Shalay aha Madax Waynaha Maraykanka lakiin Maanta waxa uu isu diyaarinaya in uu booskiisi hore ku soo noqdo ,2024 isaga oo 15 Bishan ku dhawaaqi doona in uu Xisbigiisa jamhuuriga u yahay Murashax, Dhanka kale Madaxweynaha ee hadda xilka haya Joe Biden ayaa isna la filaya in uu Xilka u tartamo mar kale Sanadka 2024-ka.
2. Boris Johnson shalay waxa uu aha Ra’iisul Wasaaraha Britain ka dibna waa is casilay balse hada waxa la rajaynaya in Xilkiisi hore dib loogu doorto ka hor doorashooyinka 2024, Isaga oo hadana isku duboritay Xisbiga Conservative.
3. Emmanuel Macron waxa uu aha Madaxwaynihi Shalay ee Dalka France balse dhawaan ayuu booskiisi ku so noqday iyada oo Siyaasadiihiisa aad loga diidana Gudaha & Dibadaba.
4. Benjamin Netanyahu waxa uu aha Raysal Wasarihii hore ee Israel isaga oo danbiyo lagu soo oogay hadana mudo yar ka dib oo uu xilka ka maqna Maanta waa ku so noqday.
5. Lula da Silva waxa uu aha Madax waynihi hore ee Brazil hadana isaga oo Maxkamado iyo xabsiyo maray ayuu maanta booskiisi ku so noqday.
6. Xi Jinping Waa Madaxweynaha Shiinaha dhawaan ayaa mar Saddexaad loo doortay in uu sii ahaado hoggaamiyaha xisbiga Shuuciga ah iyo Madaxwaynaha Shiinaha isaga oo Dalka Gacan bira ku haya.
7. Vladimir Putin waxa uu aha Madaxwaynahi hore ee Dalka Ruushka isla isagii ayana dhawr jeer ku so noqnoqday halka ila Maanta.
8. Hassan Sheekh waxa uu aha Madaxwaynihii hore ee Somalia mudo yar ka dib maanta waa ku so noqday halkiisi sido kale waxa laga yaaba in beri Farmaajo so noqdo mar kale, Waxa la mida Kenya, Tanzania, Jabuuti, Masar, Uganda, Rwanda, Africa & Aduunka intiisa badani waa la maso kuwa aan Tusaalaha u so qaatay, Hadaba Muuse Biixi oo ah Madaxwaynaha Maanta ee Somaliland waxa dhici karta isna in uu mar kale Madaxwaynaha Somaliland Beri noqdo Doorashada.
Ugu danbayntii Dib u Warshadayntan Siyaasiga ah ee Adduunka intiisa badani ka simanyahay maanta maxa keenay ?! Tirooyinkan badan ee Dib u Warshadaynta Siyaasiga ah waxa keenay aragtidayda Qodobadan.
1. Hal-abuurnimo la’aan siyasadeed oo Adduunka ku habsatay oo aad mooda in la gaadhay Waqtigii dhammaadka fikradaha siyaasiga ah ​​Caalamka Loona gudbay marxalad saboolnimo siyaasadeed ah.
2. Shabakedaha Internetka oo Adduunkii ka dhigay darmo la wada fadhiyo ayaa waxay sido kale keneen barahasi in ay Dib u Warshadaynta Siyaasiyaga ah u noqdaan Goob ay dib u Warshadayntooda si deg deg ah uga socod siin karaan marar badan.
2. Dadwaynaha codeeya oo Kalsoonidi Doorashadu ka luntay isla markana doorashada kuwo cusub aan xiiso badan u hayn balse kuwi hore uun weli ku meeraya.
Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somaali
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com