Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa oo Sabab u noqday in Ciidanka Huwanta ka baxaan Deegaanka Wabxo

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo gacan ka helayay kuwa deegaanka ayaa xalay gabi ahaan isaga baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo kahor ciidamada kula wareegeen dagaal dhiig badan ku daatay.

Deegaanka Wabxo ayaa qorshuhu ahaa in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay joogaan maalmo kooban kaddibna usii dhaqaaqaan deegaano kale oo gacanta Al Shabaab ku jira ay ugu muhiimsan tahay Ceelbuur.

Ammar lama filaan ah oo kasoo baxay taliska ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu amray taliyaasha ciidanka Danab iyo kuwa 21-aad in ay si degdeg ah uga soo baxaan deegaanka Wabxo.

Ciidanka dowladda ayaa markii ay ka baxeen Wabxo ayaa iyana waxaa isaga baxay deegaankaasi ciidanka deegaanka ee u badnaa kuwa beesha Murusade, kuwaa oo ka carrooday amarkan dhabar jabinta ku tilmaameen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada deegaanka ayaa sheegay in Jeneraal Odawaa uu bixiyay ammarka ciidanka milatariga looga saaray Wabxo, waxa ayna ku eedeeyeen taliyaha iyo dowladda in aysan daacad ka aheyn dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

G/lle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka haddana hoggaaminaya ciidanka deegaanka beesha Murusade ayaa sheegay in ammarkan kasoo baxay taliska milatariga uu niyad jab badan u keenay ciidamada huwanta ah.

Waxa uu sheegay sargaalkan in  aysan wali ogeyn sababta ciidanka dowladda looga saaray Wabxo, waxa uuna xusay in hadda gabi ahaan deegaankaasi isaga baxeen ayna dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duullaan tageen.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin sababta ciidanka milatariga looga saaray deegaanka Wabxo iyo ujeedka ka dambeeya, waxa ayna tallaabadan abuurtay shaki badan oo soo kala dhax galay dowladda iyo ciidamada deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtar fal argagax leh kula kacay bukaan suuxsan oo loo taxaabay xabsiga

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo saaka ku sii jeeda gobolka Shabeelaha hoose

Caydiid Ali

Surwaalo Jeans duug ah oo lagu kala iibsaday lacag waali ah iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---