Waxaa soo baxaya digniino amni oo laga soo saarayo weeraro qaraxyo ah oo la sheegay in kooxda Al Shabaab qorsheeyeen in ay ka geestaan saddex magaalo waa weyn oo kuyaalla gobolka Hiiraan.
Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa sheegay in uu helay xogta qaraxyo Al Shabaab doonayaan in ay ku weeraraan goobo kuyaalla magaalooyinka Baledweyne, Buulaburde iyo Jalalaqsi.
”Dhammaan dadweynaha Soomaliyeed gaar ahaan reer Baledweyn, Buuloburde iyo Jalalaqsi waa in ay galaan feejignaan amni oo dheeraad ah, oo looga hor tagayo qaraxyo waa weyn oo Al Shabaab qorsheynayaan in ay ku gummaadaan deegaanadaasi asbuucaan gudihiisa, sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay” ayuu yiri Cali Dhuux.
Sargaalkan katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaana ugu baaqay saraakiisha iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan magaalooyinka qaraxyada laga cabsi qabo in ay heegan galaan kana hortagaan weeraradaasi la qorsheeyay.
Al Shabaab ayaa horey qaraxyo xooggan oo ismiidaamin ah uga fulisay magaalooyinka Baledweyn iyo Jalalaqsi, waxa ay sidoo kale Al Shabaab qarax ku bur buriyeen buundada degmada Buuloburde.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com