Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Raisul Wasaare Xamse Cabdi barre oo caawa..

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa dib ugu soo laabtay Muqdisho ee Muqdisho ka dib safar 3 cisho qaatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.

Xassan Shiikh ayaa intii uu ku sugnaa dalkaas wadahadalo la qaatay dhigiisa Issias afewark, wuxuuna sidoo kale booqday kumanaan askari oo dalkaas loogu tababaray dowlada Somalia.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaamiyay oo booqasho rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa isna caawa ku soo laabtay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mudadii uu joogay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdulqadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Jabuuti ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinaca amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo shaaciyey xiliga uu ciidankiisa kala baxayo Ciraaq

Caydiid Ali

Dagaal culus oo caawa ka dhacay gobolka Hiiraan iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Qorshe uu kulankii Golaha shacabka ka damacsanaa Gudoomiye Mursal oo la kashifay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---