Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta La-dagaalanka Argagixisadu, waxay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/dhexe ku qabteen Mooto Bajaaj lagu waday qaraxyo lagu wadat
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in Mooto bajaajka lagu soo qariyey si loo kala gudbiyo miino iyo qalabka Remoteka loo yaqaano ee lagu qarxiyo.
“Argagixisada ayaa dhagartaan la damacsanaa inay ku waxyeelaayaan shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, halkaas ayey Ciidanku uga hortageen” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saareen Booliska.
Lama oga halka lala damacsanaa miinadas Booliska kama hadlin.
Booliska ayaa intaas ku daray in cadaalada la waafajin doono raggii watay mootadaas oo haatan la dhigay xabsiga, ayna ku socdaan baariitaan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com