Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Deni ku soo arkay Safaarada Somalia ku leedahay Lusaka-Zambia? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee Dalka Zambia, halkaasi oo ay kusoo dhoweysay Safiir Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee Safaarada.

Deni ayaa qeyb qeyb u booqday Dhismaha Safaarada, xafiisyada kala duwan  iyo qeybta loogu talagalay deegaanka Safiirka oo ay dhismihiisa iska kaashanayaan Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa Safiirkeenna Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sareeyo iyo maamuuska, wuxuuna boggaadiyey shaqada Safaaradu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay booqashada , Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Suudi: “Rooble & Qoor-qoor wax loo soo dhiibay ayey colaad ku gelinayan dadkooda”

Caydiid Ali

Jabuuti oo dhaqaale aan caadi aheyn ugu deeqday dadka ku barakacay fatahaadaha

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo Al-Shabaab kala wareegay saddex degaan oo ka tirsan Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---