Allbanaadir.com
NEWS

Muhiimad intee la eg ayey dib-u-xoreynta Wabxo u leedahay Galmudug iyo guud ahaan Qaranka?

Ku dhawaad 15 sano kadib, Degmada Waxbo ee gobalka Galguduud, ayaa laga saaray gacanta khawaarijta maalmo kahor, kadib markii kooxda argagaxisada ah lagu jebiyay dagaal ka dhacay bannaanka hore ee degmada. Kooxda Khawaarijta ayaa isku dayay in magaalada aan looga adkaan, waxayna dadaal badan geliyeen in ciidanka deegaanka iyo ciidanka dowladda ay ku celiyaan, maadaama jabkooda Wabxo uu horseedayo inay difaacan waayaan magaalooyinka kale ee gobalka.

Maxaan ka naqaan Degmada Wabxo?

Degmada Wabxo waa magaalo istaraatiiji ah oo isku xirta inta badan degmooyinka aan laamigu marin ee gobalka Gal-guduud iyo degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan oo ay xuduud la wadaagto. Dadka ku nool degmada Wabxo waxaa lagu qiyaasaa 20,000 oo qoys oo isug jira xoola dhaqato, beeraley iyo dad magaalada degan qoysaska magaalada kaliya ku nool waxaa lagu qiyaasaa 3,000 ilaa 4,000 oo qoys.

Wabxo waa magaalo Ceel-gaab ah oo biyuhu bannaanka iska yaallaan, waxay leedahay dhul beereed ku wanaagsan tacabka, berigii hore waxay tacban jireen Qaraha iyo digirta, waayihii dambana khudaarta ayaa la ogaaday inay aad uga baxdo, waxaana laga sameeyay beero khudaareed inkasta oo ay kooxdii Khawaarijtu cuuryaamisay. Magaaladu waxay caan ku tahay fardaha, waxaana laga helaa fardaha ugu orodka badan goballada dhexe. Ariga, iyo Geela ayaa aad looga dhaqdaa. Waa magaala ay dadkeedu ay ku wanaagsanyihiin hal abuurka ganacsiga, waxaana kasoo jeeda ganacsato badan oo caan ah, dalkana aad looga yaqaan.

Qabashada degmadaan maxey uga dhigantahay ciidamada, dowladda iyo dadka deegaanka Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka oo aan la hadalnay waxay sheegeen in magaaladaani ay aheyd saldhiggii ugu muhiimsanaa ee kooxda Khawaarijta, dib u xoreynteeduna ay salhi doonto in iyadoo aan dhibaato lagala kulmin waqti kooban lagu qabto degmooyinka Ceelbuur iyo Gal-hareeri.

Dowlladda ayey qabashada magaaladaani fursad u siineysaa in dadka deegaanka oo 10 sano ka badan la’aa adeeg dowladeed, la gaarsiiyo adeegyada ay dowladda uga baahanyihiin. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa xor u noqon doono noloshooda maadaama intii ay Khawaarijtu la joogeen xoolahooda la boobayay, dhiigoodana la banneysanayay, lagana hor-joogsanayay wax kasta oo horumarka deegaanka qeyb ka qaadan karay.

Waxbo ma degmaa mise deegaan?

Magaaladaan waxaa degmo loo aqoonsaday xilligii uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed dalka madaxweynaha ka ahaa, hase yeeshee kama faa’iideysan fursadda degmanimo sabab la xariirta in maalintii la magacaabay ilaa maanta ay gacanta ku hayeen kooxda Khawaarijta oo degmo cusub iska daaye, degmooyinkii horay u jiray ee horumarsanaa dib u dhac weyn gaarsiiyay.

Marin Ganacsi oo muhiim ah

Wabxo waa marinka ugu muhiimsan ay isticmaalaan gaadiidka shixnadaha ganacsi sida marka laga tago wada weyn ee laamiga ah. Xilliyada uu laamigu u xirmo isku dhacyada dhinacyada badan, si gaar ah ayey waddada Wabxood u u aheyd marinka kaliya ee la isaga goosho goballada dhexe iyo magaalada Muqdisho.
Mar ayey aheyd xarunta ugu weyn ee xoolaha nool lagu kala iibsado Intii u dhexeysay 1991 ilaa 2003, degmada Wabxo waxay aheyd xarunta ugu weyn ee iibka xoolaha nool, waxaana loo suuq geyn jiray Ariga jarka ah ee wadamada khaliijka ay ganacsatada Soomaaliyeed u qaadi jireen. Waxaa xafiisyo waaweyn ku lahaa shirkadaha ariga jarka ah dhoofiya, waxaana xoolaha looga soo iib geyn jiray magaalooyinka Budbud, Guriceel, Maxaas, Cadarre, Derri, Dac, iyo magaalooyin kale oo Hir-shabeelle iyo Gal-mudug ka tirsan.

Degmada Wabxo oo horumarkii horay uga jiray, sida xawaaraha lehna ugu socday uu hakad geliyay gacan ku heyntii waqtiga dheer qaadatay ee Khawaarijta, waxey leedahay Xarun degmo, Saldhig iyo isbitaal ay dhiseen ganacsatada iyo qurbajoogta kasoo jeeda Wabxo.

Madaama dib loo qabtay degmada, hadda maxaa horumar la filan karaa?

Ganacsadata iyo qurbajoogta degmada oo naawilayay in mar uun ay arkaan magaalada oo xor ah ayaa laga filayaa inay dib-u-dhisaan oo ay howl-geliyaan Istibaalka iyo Iskuulka degmada, sidoo kalana ay dib horumariyaan saldhigga iyo xarunta degmada si ay taliska booliiska iyo maamulka degmada. Sidoo kale waxaa la filayaa in la dhiso xarumaha ganacsiga ee magaalada oo sabab la xariirta go’doonkii dhanka horumarka laga geliyay darteed u joogsaday.

Tan ugu muhiimsan ee dib u qabashada degmada darteed ku hir-geli karta waa kastamka canshuuraha ee xaduudka dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo Galmudug ee mara inta u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Wabxo oo hadii la howl geliyo noqon kara goob dhaqaale badan kasoo galo maamullada, sidoo kalana amniga laga sugo.

W/Q Cabdifitaax Xaashi Nuur

Email:nuurbiin78@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faransiiska oo mar kale qaaday tallaabo kasii careesiineysa dowladda Ruushka

Cabdi Cade

Xizbullah oo heshay hub culus oo Cabsi badan ku beeray Maamulka Israa’iil

Cabdi Cade

Ganacsato Soomaaliyeed oo shaacisay in ay joojiyeen Jaadkii ay Kenya ka keeni jireen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---