Allbanaadir.com
NEWS

Imaam Masaajid oo caan ah oo Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi, oo ahaa imaamkii masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag biskoolado ku hubeesan dhoor xabadood ku dhufteen imaamka masjidka caanka ah ee Dabaqeynka kaddibna goobta si degdeg ah uga baxsaday.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan lagu qaban kooxihii dilka geestay.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada dilkan caawa loo geestay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi, laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadlin dilka caawa ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aas Qaran oo loo sameeyay labo sargaal oo katirsan Milatiraga Somalia (Daawo Sawiarada)

Cabdi Cade

Somalia & Azerbaijan oo yeelanaya xiriir cusub oo iskaashi (Sawirro)

Caydiid Ali

Sanatarada Aqalka sare oo ka dooday labo qodob oo muhiim ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---