Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Degmo oo la kulmay Hoggaanada Ciyaal weero ka jira Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley Yuusuf Xundubey ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhallinyaro la sheegay in ay hoggaan u yihiin kooxo ciyaal weero ah oo ka jira xaafado katirsan degmada Dharkeenley.

Guddoomiyaha ayaana hoggaanka ciyaal weerada kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa weerarada iyo isku dhacyada dhax mara kooxaha ciyaal weerada ah ee ka jira qaar kamid ah xaafadaha degmada Dharkeebley.

Maamulka degmada Dharkeenley ayaa sheegay in hoggaanka ciyaalka weerarada in ay aqbaleen in ay joojiyaan isku dhacyada ayna bilaabayaan is dhax gal sida in ay isugu yimaadaan tartamo ciyaaro .

Qoraal lasoo dhigay bogga Facebooka ee maamulka degmada Dharkeenley ayaa lagu soo bandhigay magacyada kooxaha ciyaal weerada ah ee ka jira Dharkeenbley, waxaana la sheegay in guddoomiyaha sidoo kale la kulmi doono kooxo kale oo ciyaal weeraro ah.

Maamulka degmada Dharkeenley iyo ciidamada ammaanka ayaa ku fashilmay wax ka qabashada ciyaalka weerada, waxa ayna hadda raadinayaan qorshe kale ee wax looga qaban karo dhibaatada ay dhallinyaradan geestaan.

Degmada Dharkenley ayaa kamid ah goobaha ugu badan ay joogaan ciyaalka weerada ee dadka nafta u keenay, waxaana dadku isweedinayaan waxa keenay in aan tallaabo laga qaadin ciyaalka weerarada iyo hoggaankooda oo si weyn loo yaqaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaradka oo ka Jawaabay Faro-gelin la sheegay in ay ku sameeyeen Doorashadii Mareykanka

Cabdi Cade

Mareykanka: “Waxaynu aqoonsan nahay gobanimada Soomaaliya & Xuduudihii 1960kii

Caydiid Ali

Sacuudiga iyo Iran oo gaaray heshiis loo riyaaqay iyo Dowlad weyn oo ka shaqeesay heshiiska

Cabdi Cade