Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xarunta lagu tabarayo Ciidanka jooga Eritrea (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.

Related posts

Desalegn oo ka mid noqday rakaabkii u horeeyey ee u kala gooshay Addis ababa & Asmara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xaaf oo wareegto ka soo saaray Maqaamka ay yeelaneyso Magaalada Cadaado (Akhriso)

Caydiid Ali

Weerar dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay degmada Dayniile

Caydiid Ali
Taboola Ads ---