Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afhayeenka Jabhada TPLF oo beeniyay hadal ka soo yeeray dowlada Itoobiya

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gacanta ku hayaan 70% gobolka waqooyi ee Tigray oo labadii sano ee dagaalku socday gacanta ku dhigtay.

La-taliyaha amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Hussien ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in in boqolkiiba 70% gobolka Tigray ay hoos yimaadaan ciidamada difaaca qaranka.

Waxaa uu intaas ku daray in meelaha ay joogaan ciidamada federaalka ay ku jirto duleedka caasimada Tigray ee Makelle

Afhayeenka Jabhada TPLF Getachew Reda oo ku ugan magaalada Nairobi ayaa beeniyay sheegashadaasi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP, isagoo xusay in ciidamada federaalku ay joogaan meelo kooban.

Xukuumadda Addis Ababa iyo wakiilada TPLF ayaa toddobaadkan ku shirsan dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlaya dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee dalka Koonfur Afrika todobaadkii hore lagu kala saxiixday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro dhaliyay ka geesatay gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade

Yuusuf Dabageed oo sheeko cusub keenay, kana hadlay sida uu xilka ku waayi karo

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo xilkii ka qaaday McMaster, Masuul cusubna ku bedelay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---