Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo gaaray dalka Zambia iyo xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Deni oo booqasho ku joogey maalmahaan dalka Kenya ayaa booqashadiisa Lusaka waxay la xiriirtaa kontrolka ganacsi uu ku leeyahay dalkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Deni uu shirkad kuwa gaadiidka kireeya ah ku leeyahay dalkaas taasoo lagu magacaabo (Kilwe Transport).

Maalgalinta shirkadan ayaa xoogeysatay intii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland, iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in dhowaan shirkadaan lagu soo kordhiyey gaadiid farabadan.

Waxaa halkaas ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan masuuliyiinta safaarada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Lusaka

Wararku waxay intaas ku darayaan in ugu dambeyn uu safarkiisa ku soo mari doono dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weeraro lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab ku lahaayeen iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah oo ka falceliyey go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo safar dhulka ah ku maray degaano laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---