Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe iyo Taliye Odawaa oo tagay Deegaano Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta booqday deegaanada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan laga xureeyay Kooxda  alshabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhammaan deegaanada laga xureeyay argagixisada, Isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada ,waxa uuuna kala hadlay muhiimada howlgalada socda, adkeynta amniga deegaannada la xureeyay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ciribtirka khawaarijta arxanka daran.

Madaxweynaha ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee lagu ciribtirayo Al Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan ka xureeyaan argagixisada cadowga ee dhiibaateeyay dadka shacabka ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u soo hub qaataan halganka la isaga xureynayo khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka.

Related posts

Damaca Waalida ah ee Kooxda Ahlu-Sunna Daawo Ma Loo Waayay ?

Cabdi Cade

Guddiga doorashoyinka xildhibaanada gobolada Waqooyi oo la magacaabay

Cabdi Cade

Somaliland Oo go’aamiyey In Maxkamadda Sare loo gudbiyo Go’aan-ka-gaadhista Doorashooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---