Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Lamaane dal shisheeye ka iibinayey sir Mareykanku leeyahay oo xukun adag lagu riday

Askari hore uga tirsanaa ciidammada badda Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa West Virginia loogu xiray inay isku dayeen inay sir milateri ka iibiyaan dal shisheeye oo aanan la magacaabin

Jonathan Toebbe oo 42-jir ah ayaa ka shaqeyn jiray xafiiska madaxa howlgallada ciidammada badda waxaana lagu qabtay isagoo gudbinaya xog sir ah oo ku saabsan maraakiibta dagaalka nukliyeerka.

Ninkan ayaa wajahaya 18 sanadood oo xabsi ah, halka xaaskiisa Diana 21 sanadood oo xarig ah lagu xukumay, xabsigaasoo ka culus intii la filayay.

Xaakimka ayaa sheegay in haweenayda oo 42-jir ah, ay howlgalka mas’uul ka aheyd.

Dacwad oogayaasha ayaa markii hore doonayay in Toebbe lagu rido xabsi dhan 17.5 sanadood halka xaaskiisa ay doonayeen in la xiro 3 sanadood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maamulayaasha Iskuullada Muqdisho oo ka cawday Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la dalacsiiyey darajooyin ciidan (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir deg deg ah oo laga yeelanayo hubka culus uu Ruushka ku tijaabiyay Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---