Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo ka qeyb galaysa shir caalami ah oo ka furmay Rio de Janeiro (Sawirro)

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil uga qayb-galaya shirweynaha 24aad ee Hay’adaha Hatidhawrada Guud ee Caalamka ee INCOSAI.

Shirkan oo saddexdii sanaba mar la qabto waxaa looga hadlayaa kaalinta ay ka qaadan karaan hey’adaha guud ee Hantidhawrada xallinta caqabadaha wajiyada badan ee xilligaan adag ay dunidu wajahayso, kuwaas oo ay sababeen isbedelka cimillada iyo caabuqa safmareenka ah ee COVID-19 oo dunida saamaynta taban ku yeeshay.

Waxaa guddoomin doona Maxkamadda Federaalka ee Xisaabaadka – Brazil (TCU), Hay’adda Hantidhawrka Sare ee Brazil (SAI).

Sidoo kale, ajendayaasha shirweynahan waxaa ka mid ah “Shaqada Hay’adaha Hantidhawrka Sare ee wajahada masiibooyinka dadweynaha “.

Golaha Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhawrka Sare (INCOSAI) waa hay’adda ugu sarraysa ee Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhawrka Sare (INTOSAI). Waxay isu keentaa ilaa 800 oo xubnood xiriir la leh ururka oo ujeedadiisu tahay samaynta go’aamo istiraatijiyadeed.

Ka qaybgalayaasha oo ka kala socda in ka badan 120 waddan ayaa ka wada hadlaya arrimaha muhiimka ah ee soo wajaha bulshada hanti-dhawrka dadweynaha iyo xalalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Puntin oo hadiyad yaab leh gudoonsiiyey Boqorka Sacuudiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Farmaajo oo kormeeray xarunta Degmada H/Wadaag oo dhawaan la weeraray

Cabdi Cade

Jowhar: Musharax tanaasulay & Labo msuaharax oo wareegii u dambeeyey u gudbay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---