Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo ka digtay halis ku wajahan gobolada Gedo & Awdal (Akhriso)

WAR-SAXAAFADEED

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Xarunteeda Ka digista halis-wadareedka ayaa soo saartay Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota (8da – 15ka Nof. 2022) Insha Allah

Todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca Labaad ee bisha Novermber 2022ka ayaa waxay saadaashu muujineeysaa in roobka Dayrtu ka sii soconayo qeeybo ka mid ah gobollada Woqooyi iyo qeeybo ka mid ah gobollada Koonfureed ee dalka.

Gobollada; Awdal iyo Gedo ayaa sida ay saadaashu sheegeeyso waxay asbuucan heli doonaan roobab ah inta u dhexeeysa 10 – 50 (mm)

Hadii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegeeyso waxay dagmooyin gobolladaasi ka mid ah wajihi Karaan khatar kaga timaadda halista daadadka roobka (flash floods) ay roobabkaasi sababi doonaan.

Gobollada kale ee dalka sida: Barri, Woyooyi Galbeed, Sanaag, Bay, Jubada-dhexe, iyo Jubadda-hoose, Shabeellaha-dhexe, Shabeellaha-hoose, iyo degmooyin ka mid ah Goablka Hiiraan waxay asbuucan heli doonaan roob xadigiisu u dhexeeyo 01 – 30 (mm) sidaa darted ma fileeyno ineey saameeyn badan yeeshaan.

Waxaan maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka sagootiyey Sagaal qof oo ka mida ah dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii 29-kii October Khawaarijta ka geysteen Isgoyska Zoobe si looga soo dabiibi xaaladdooda Caafimaad Dalka Emirat-ka Carabta.

Waxaan u mahad celinaynaa Dowladda Emirat-ka Carabta oo noo soo dirtey Diyaaradda lagu qaadey dhaawacyada iyo sida ay uga qeyb qaateen gurmadka Masiibadii Zoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo weeraray markab ku soo jeeday Somalia

Caydiid Ali

Tirada askarta Isreal looga dilay dagaalka ka socda magaalada Gaza oo korortay

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo si aqlabiyad leh u aqbashay Codsigii ka yimid maamulka Falastiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---