Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Deni, Khayre iyo C/wali Gaas oo Nairobi ku kulmay? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxaa uu halkaas kula kulmay Ra’isal Wasaarihii hore ee DFS Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’isalwasaarii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ahaa salaan iyo booqasho ayaa la iska xog wareystay xaaladda Guud ahaan Amniga dalka iyo Arrimaha Siyaasadda, iyo shaaqooyinka ka socda dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Waxyaabaha sida gaarka ah la iskaga wareystay ayaa waxaa ka mid ahaa horumarka, Amniga, Dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur.

Xassan Cali Khayre iyo Madaxweyne Deni ayaa ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay doorashadii madaxweynaha Somalia ee bishii May ee sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka mid ahaa musharaxiintii u gudbay wareegga labaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab Dagaal oo soo bad baadiyay Shaqaalihii saarnaa Markabka MV Lila Norfolk oo…

Cabdi Cade

Ciidankii beesha Murusade iyo masuuliyiintii hoggaamineysay oo Maxaas gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka iyo Ukraine oo heshiis Dowladda Turkiga ka shaqeeysay kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade