Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah Maraakiibta waaweyn ee dalxiiska oo gaaray Magaalada Doha (Sawirro)

Mid ka mid ah maraakiibta dalxiiska ugu waaweyn caalamka ayaa gaarey dalka Qadar oo 20ka bishan ay ka bilaabmi doonnaam ciyaaraha koobka adduunka.

Markabkan oo lagu magacaabo “MSC World Europe” ayaa ah mid ka kooban 10 dabaq oo ay ku yaallaan 2,633 qol, berkedihii dabaasha, 13 goobood oo lagu cunteeyo, suuq laga dukaamaysto iyo wax kasta oo looga baahan yahay hotel.

Tirada dadku uu qaadi karo ayaa lagu sheegay 6,000 oo dalxiiseyaal ah, waxaana uu joogi magaalada Doha tan iyo uu ka dhamaanayo koobka aduunka.

Markabkan ayaa qayb ka ah adeegyada loo qabanayo dadka ka soo qayb galaya cayaaraha halkaas ka dhici doona kuwaasoo kor u dhaafaya hal milyan oo ruux oo u badan taageeraal ka iman doona daafaha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Somalilad iyo Puntland oo saakay dib u qarxay

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xaflad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Benadir oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---