Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh iyo wafdigii uu horkacayey oo ka degay Asmara (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo ay ku sugan yihiin kumanaan askari oo Soomaali ah.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in madaxweynaha uu dalkaas joogi doono muddo afar maalmood ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay goor sii horreysay soo saartay ku tiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.”

Sida ay sheegtay Villa Somalia, Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Eritrea Isias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.

Dalka Eritrea ayaa waxaa muddo sanado ah ku sugan illaa 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo halkaas ay tababar ugu dirtay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa socdaalkii labaad ee madaxweynaha uu ku tago Eritrea, isaga oo sidoo kale horey u booqday 9-kii July 2022.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis Sabab u noqday geerida haweeney 95-sanno jir aheyd iyo qeylo dhaan ka dhalatay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo heesato Labo Daran mid dooro !!!

Cabdi Cade

Afar qarax oo saacad gudaheed ka dhacay Magaalooyin ka tirsan dalka Sweden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---