Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay rag la sheegay in bam gacmeed ku tuureen dad shacab ah oo marayay laamiga 21 October, gaar ahaan agagaarka hotelka Naasa Hablood.
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodisho ayaa sheegay in rag watay mooto bajaaj bam gacmeed ku tuureen shacab marayay agagaarka hotelka Naasa hablood, waxa uuna sheegay in bambada isla ragii tuuray ku qaraxday.
Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen una qaadeen isbitaal ragii bambada tuuray ee ku dhaawacmay, waxa uuna xusay in ragaasi baaris lagu sameyn doono.
“Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa manta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj, ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
Ciidamada ammaanka ayaa marar badan magaalada Muqdisho ku qabtay rag hubeesan oo dilal geestay iyo kuwa kale oo bambooyin ku tuuray xarumo dowladeed iyo baro ciidan, waxaana inta badan aad u yareyd in bambaano la tuuro xilli maalin cad ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com