Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 590 Maxbuus oo ku xiran Xabsiyada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray oosummaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-953/112022, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xidhan.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in maxaabiistan la cafiyay Iyadoo laga duulayo faya dhawrka caafimaad ee Maxaabiista ku xiran xabsiyada Somaliland , si aanay u saamayn xunuuno jira.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Biixi ayaa u qorneed sida tan:.

Cafis Madaxweyne

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/347/2022, kuna taariikhaysan 07/11/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo- gudbin Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022- ka;

Markaan Tix-geliyay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taariikhaysan 08/11/2022 u jeeddadiisuna tahay soo- jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyay;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 594 (Shan Boqol iyo Afar iyo Sagaashan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka (Sawirro)

Caydiid Ali

Qatar oo la Sheegay in lacag badan ku bixibeyso joojinta Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---