Allbanaadir.com
NEWS

Dadka Soomaaliyeed ee heysta baasaboorka dalka Kenya oo Viiso la’aan ku tagi kara dalka ….

Dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika ayaa gaaray heshiis cusub, waxaana heshiiskan farxad galinaya dadka Kenyanka ah ee heesta baasaboorka dalkaasi, kuwaa oo horey ugu dhibanaa in ay tagaan dalka Koonfur Afrika.

Madaxda dalalka Kenya iyo Koonfur AFrika ayaa ku heshiiyay in dadka Kenyaanka ah ee haysta baasaboorka dalkaas, ay Koonfur Afrika tegi karaan viisa la’aan marka la gaaro   sannadka cusub ee 2023-ka.

Madaxweynaha dalka Koonfur Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa oo booqasho ku tagay magaalada Nairobi ayaa dhigiisa William Ruto, kawada hadleen arrimo badan, waxa ayna ku heshiiyeen fududeynta socdaalka labada dal iyo arrimo kale.

Dadka Kenyanka ah ee heesta baasaboorka dalkaasi ayaa dalka Koonfur Afrika marka ay viiso joogi kara ugu badbaan 90 maalmood sanadkiiba, waxaana loo fududeyn doonaa dadkaasi arrimaha la xariira socdaalkooda.

Soomaali badan oo heesata baasaboorka dalka Kenya ayaa ka faa’iideesan doona heshiiskan cusub ay gaareen Kenya iyo South Afrika, waxaana Soomaalida heesata baasaboorka Kenya qaarkood qaab dhib badan ku tagi jireen Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tareen labo cad u kala jaray bas ay la socdeen caruur iskuul fara badan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

TOOS U DAAWO: Dabaaldega xuska 1-da Luulyo oo ka socda garoonka Konis Stadium

Caydiid Ali

(Sawirro) Nolosha qoysaska dadkii lagu dilay Muqdisho oo la kafaalo qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---