Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Nairobi kula kulmay Ted Lawrence iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa halkaasi kawada kulamo kala duwan uu la qaadanayo qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka iyo madaxda hay’addo caalami ah.

Madaxweyne Deni ayaa xalay magaalada Nairobi kulan gaar ah kula qaatay Mudane Ted Lawrence oo ka socda Hay’adda USAID ee dalka Mareykanka, hadana ah Ku-simaha Agaasime Ku-xigeenka USAID.

Kulankan dhax maray Madaxweynaha Puntland iyo masuulkan katirsan hay’adda USAID ayaa looga hadlay si Horumarinta mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadanimo ee Hay’adda USAID ka wado Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa Nairobi u jooga sidii maamulkiisa u heli lahaa kaalmo dhaqaale, waxa uu sidoo kale taageero u raadinayaa urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo si mar kale ugu guuleesto doorashada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Saciid Ciise: “Madaxweyne Galbataye ILAAHAY garabkaaga ha galo”

Caydiid Ali

Labo Diyaaradood oo ka qeyb qaatay Dagaalkii 2-aad ee Dunnida oo hawada iskula dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo shaacisay Sawirada iyo Magacyada Xubno katirtsan Al Shabaab oo ay baadi goobeyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---