Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad amartay in lasoo xiro Saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta amartay in lasoo xiro labo sargaal oo katirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya gaar ahaan laanta Dambi baarista CID-da.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta amray in lasoo xiro labo sargaal oo katirsan laanta Dambi baarista CID-da oo lagu kala magacaabo  Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiim Mursal.

Saraakiishan la amray in lasoo xiro ayaa lagu soo eedeeyay in sifo sharci daro ah u mareen xarig dhawaan  Muqdisho loogu geestay Agaasime Waaxeed katirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka oo lagu magacaabo Daahir Nuur Cali.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa saakay bilowday dhageysiga Dacwada loo heesto Daahir Nuur Cali oo agaasime Waaxeed ka ahaa Wasaarada Gargaarka iyo Musoobooyinka, waxaana agaasimahan lagu eedeeyay in uu lunsaday lacag badan.

Ciidamada booliiska ayaa habeen saq dhaxe waxa ay gurigiisa xoog uga soo saareen Daahir Nuur Cali oo lagu eedeeyay in uu lunsaday lacag ku dhaw Boqol kun oo Dollar, waxaana masuulkan xariga kadib kasoo taagay Maxkamada qaadeysa dacwadaha loo heesto.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaartoy ka qeyb galeysay tartan ciyaareed ka socda dalka Australia oo lala’ yahay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Bandow aan la shaacin oo lagu soo rogay Magaalada Muqdisho iyo jidad la xiray

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in guurka Gabadha Jareerweyne uu ka qarash badan yahay guurka kale?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---