Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Duqa caasimada Rwanda ee Kigali oo hal arrrin u balanqaaday Muqdisho

Duqa Caasimadda Rwanda Kigali Mr. Pudence ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay wafdi balaaran oo ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Wafdigan oo isugu jiray Agaasimayaal iyo la taliyaal farsamo ayaa maalmaahan u joogay caasimadda Rwanda ee Kigali safar shaqo oo aqoonkororsi iyo isdhaafsi la xiriira hawlaha horumarineed ee Dawladda Hoose ee Kigali.

Duqa caasimadda Kigali ayaa wafdiga la wadaagay dareenkiisa ku aadan inuu aad ugu faraxsanahay la kulanka wafdiga Muqdisho isagoo balan qaaday in Kigali ay diyaar u tahay inay si dhaw ula shaqeyso dhigeeda Muqdisho dhinacyada Horumarinta guud.

Dhinaca kale wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah waaxaha Dawladda Hoose ee Kigaali sida qaybaha kala ah Nadaafadda magaalada, Maamulka darjiinooyinka dadweynaha, biyomareenada, Maamulka Shaqaalaha, Qorshaynta iyo dajinta miisaaniyadaha.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in uu Guddiga la kulmo qaybo farabadan oo ka mid ah Dawladda Hoose ee Kigali.

Caasimadda Rwanda ee Kigali ayaa sanadihii la soo dhaafay ku guuleysatay magaalada ugu nadaafada badan Afrika ka dib qiimeyn caalami ah oo la soo sameeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Thomas Waldhauser: “Waan kordhineynaa Weerarada aynu ku heyno Al-shabaab”

Caydiid Ali

Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Laascaanood iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade

Mareykanka oo Baaq u diray Madaxda maamulada Jubbaland iyo Hirshabelle

Cabdi Cade