Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo booqasho xasaasi ah ku tagay Addis ababa (Sawirro)

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray dalka Ethiopia waxaana Bole International ee magaalada Addis ababa kusoo dhoweeyay dhigiisa dalka Ethiopia.

Safarka Agaasimaha oo qaadan doono muddo labo maalin ah ayey dhinacyada ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, isweydaarsiga xogaha Argagaxisada iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

Socdaalka Taliyaha NISA ayaa la xiriira martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalka Ethiopia.

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhowaan heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho waxay isku afgarteen inay sii wadaan dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in lagama maarmaan ay tahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboon tahay in si wadajir ah la isaga kaashado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wado Muhiim ah oo kutaala Muqdisho oo Dib u dhis lagu sameenayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Donald Trump oo lagu soo oogay dembi ka culus kuwii horey loogu heystay

Caydiid Ali

Qiimaha lacagaha Crypto oo sare u kacay kadib tallaabo uu qaaday Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---