Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo ka hadashay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo ONLF (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan gaar ah la qaatay Hogaanka sare ee Ururka ONLF ee ka dagaalama dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, waxa ayna labada dhinac kawada hadleyn arimo dhoor ah ay ku jirto dhiibistii dowlada Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya Qalbi Dhagax oo ONLF kamid ahaa.

Gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo  raaligelin ka bixiyey dhiibistii C/kariin Qalbi-dhagax ee Itoobiya, uuna muujiyey iney ka xun yihiin arintaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Daahir Geelle ayaa xaqiijiyay kulanka dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Jabhada ONLF , waxa uuna ka gaabsaday in Madaxweynaha raali galin siiyay ONLF.

Waxa uu sheegay Wasiirka kulanka Madaxweyne Farmaajo la qaatay Hogaanka ONLF in uusan aheyn mid lasii qorsheeyay, waxa uuna xusay in ay u yimaadeen Hogaanka ONLF Madaxweynaha uuna soo dhaweeyay.

“Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka saree ee ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waa la kulmay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”Ayuu yiri Wasiir Geelle.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaan xaqiijin in Madaxweynaha Soomaaliya raali galin ka bixiyay dhiibistii C/Kariin Qalbi Dhagax, waxa uusa xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo Hogaanka ONLF kawada hadleyn arinta Qalbi Dhagax.

Daahir Geelle oo la weeydiiyay waxa kulanka xilligan kusoo beegay iyo in ay Itoobiya uga daydeen, ayaa beeniyay arrinkaas, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu ka hor yimid go’aankii xukuumadda federaalka ay ururka ONLF ugu dartay liiska argagixisada.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo la qaatay Hogaanka ONLF ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee labada dhinac yeeshaan, waxaana kulankan uu imaanayaa xili dowlada Itoobiya ONLF ka saartay liiska argagaxisad sidoo kale sii deysay C/karin Qalbi Dhagax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo qabtay Shabakad la sheegay in Al Shabaab katirsan yihiin (Sawirro)

Cabdi Cade

 Xaaf oo lagu qal qaalinayo ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweyne Qoor Qoor

Cabdi Cade

DANJIRE YOONIS “Markii la doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Yurub waxay muujisay..

admin
Taboola Ads ---