Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Muqdisho kula kulmay Sadiq Sayid (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayay madaxa Xafiiska Haweenka Qaramada Midoobay (UN Women) ee Soomaaliya Dr. Sadiq Sayid.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Haweenka Golaha Aqalka Sare iyo xafiiska Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, caqabadaha horyaalla Haweenka Aqalka Sare iyo guud ahaan Haweenka BFS iyo sidii Xafiiska UN women ay gacan uga gaysan lahaayeen xal u helistooda.

Senator Samsam Ibraahim Cali Madaxa Hab-dhowraha Aqalka Sare iyo Senator Samsam Daahir Maxamuud oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ka hadlay guulo wax ku ool ah oo ay gaareen Ururka Haweenka Aqalka Sare iyo wax yaabihii u qabsoomay muddo xileedkii Baarlamaankii 10aad.

Guddoomiye Aqalka Sare ee BFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay madaxda Xafiiska hey’adda UN women taageerada iyo hawsha ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya, gaar ahaan dhiiri gelinta iyo taageerada kale oo ay la garab joogaan Haweenka Soomaaliyeed.

Related posts

Axmed Madoobe oo loo dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

admin

Xeer ilaaliyaha DF oo Maxkamad soo taagay Max’ed Ibraahim Cali

Caydiid Ali

Guddi isku keenaya Madaxda Dowlada & Maamul goboleedyada oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---