Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka Jabuuti (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka  Jabuuti ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti, waxa uuna sheegay khadka internetka badda uu muhiimad badan u leeyahay geeska Afrika.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeero ku tagay xarumo ay leedahay dowladda Jabuuti lana kulmay madaxda sare ee dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo maamuusay Ergadii Soomaaliya ku matashay Kiiska Badda (Sawirro)

Cabdi Cade

Ololaha ciribtirka gudniinka ee (Gacalo gabadheyda) oo laga daahfuray Baydhabo

Caydiid Ali

Sanbaloolshe oo baaq cajiib ah u diray Xildhibaanada ku midoobay Kutlada NISA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---