Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shuruud adag ku xiray wadahadal ay maamulka Somaliland kala galaan colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in wadahadal iyo waan waan aysan kala galeyn maamulka Somaliland dagaalka Tukaraq inta ciidankooda ay joogaan deegaanada maamulkooda .
”Wax wada hadal ma imaanayaan inta dhul Puntland ay leedahay heysato Somaliland, nimankan deegaanadeena ayey kusoo duuleen oo si gar daro ah ku soo galeen, wadahadal waxa uu imaanayaa marka ay ka baxaan dhulka Puntland” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Waxaa marar badan guul dareeystay dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo colaada ka dhax aloosan maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana ciidamada labada maamul wali isku hor fadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com