Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Adam Abdelmoula (Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha, Ahmed Moallim Fiqi  ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, ee qaabilsan iskuduwista arrimaha gargaarka iyo banii’aadnimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulanka dhax maray wasiirka iyo argayga Qaramada Midoobay matalayay ayaa inta uu socday waxaa xoogga lagu saaray xasillinta, iskudubaridka gargaarkaa, howlaha banii’aadnimada iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxay hortabinnada xukuumadda, howlaha xasillinta ee dalka gaar ahaan goobaha laga xoreeyey Khawaarijta iyo arrimo kale.

Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu ku dheeraaday xaaladda abaaraha, sida ay wasaaradiisa uga go’antahay iskuduwista gargaarka iyo howlaha banii’aadnimo iyada oo howlaha la xiriira maareynta musiibooyinka loo marayo hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Dhankiisa, ku xigeenka xogheyaha guud ee Soomaaliya Mr.Adam Abdelmoula oo isna kulanka ka hadlay ayaa wasiir Fiqi iyo wasaaraddiisa ku ammaanay bahwadaagnimada iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hey’adaha UN-ka isaga oo intaa raaciyey in ay ka go’antahay ka qaramada midoobey ahaan inay ku shaqeeyaan arrimaha hortabinta u leh xukuumadda sida xasiilinta, gargaarka iyo howlaha banii’aadnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanadii uu u gefay Madaxweyne Trump oo Warbaahinta la hadlay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin caan ah oo u dhintay qaniinyada Mas uu Xanaaneenayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dabeesha Isbeddelka Geeska Afrika iyo Go’doominta Itoobbiya Maxaa Ka Dhalan Kara?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---