Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalafa Nairobi ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida Dhismaha Dekadda Garacad iyo qorshaha Horumarinta dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi ka wada kulamo siyaasadeed uu la qaadanayo wakiillo katirsan beesha caalamka iyo masuuliyiin katirsan dowladda Kenya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com