Allbanaadir.com
NEWS

Ilhan Cumar oo guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay, balse heesata dhalashada dalka Mareykanka Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guuleesatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa kursigan waxa ay kula tartantay musharax ka socotay xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Cicely Davis , waxaana ugu dambeyn kursigan ku guuleestay Ilhan Cumar oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa noqotay  sanadkii 2018 qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka, waxa ayna mar kale ku guuleesatay in ay difaacato kursigan .

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay guushan ay ka gaartay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota , waxa ayna sheegtay in doorashadan tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Akhriso Magaciisa)

Cabdi Cade

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya iska horimaadkii saaka ka dhacay degmada Waaberi

Caydiid Ali

Shirkii Dhuusamareeb oo saaka dib u bilowday iyo Axmed oo lagu soo celiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---