Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ukraine oo shuruud adag ku xirtay iney wadahadal la gasho dowlada Ruushka

Ukraine ayaa beenisay inay reer galbeedka ku hayaan cadaadis la xiriira inay wada xaajood la galaan Ruushka, iyagoo sheegay inay wadahadal la geli karo oo keliya haddii Ruushku ka tanaasulo dhammaan dhulka uu sheeganayo ee ka tirsan Ukraine.

Hadalkan ayaa yimid maalmo ka dib warbixin si weyn loo hadal hayay oo Washington Post ay ku sheegtay in Mareykanka uu ku dhiiri galiyay Kyiv in ay muujiso in ay diyaar u tahay wadahadal. Waxay sidoo kale ku soo beegmeen doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka oo natiijadoodu ay tijaabin karto taageerada reer galbeedka ee Ukraine.

Ukraine waxay si isdaba joog ah u soo jeedisay wadahadalo noocaas ah, laakiin “mar walba waxaan helnay jawaabo waalan oo Ruush ah oo leh weeraro argagixiso, duqeymo ama madmadow”, ayuu yiri  madaxweyne Zelenskiy.

Isniintii, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku celiyay mowqifka Moscow ee ah inay u furan tahay wadahadal laakiin Kyiv ayaa diiday. Moscow ayaa marar badan sheegtay in aysan gorgortan ka geli doonin dhul ay sheegtay in ay ka go’day Ukraine.

Lataliyaha sare ee Zelenskiy Mykhailo Podolyak ayaa sheegay in ay caqli gal tahay in la soo jeediyo in wadamada reer galbeedku ay ku riixayaan Kyiv in ay wada xaajood ka galaan Moscow, maadaama ay iyagu yihiin kuwa siiya Ukraine hubka si ay ciidamada Ruushka uga saaraan dhulkeeda.

Tan iyo markii Ruushku uu ku dhawaaqay la-wareegida dhulka Ukraine qeyb ka mid ah dhamaadkii Sebtembar, Zelenskiy waxa uu go’aamiyay in Kyiv aysan waligeed gorgortan la geli doonin Moscow ilaa iyo inta uu Vladimir Putin sii ahaanayo madaxweynaha Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo dhagax dhigay waddada isku xidha Burco iyo Berbera (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Dalacsiiyay ku dhawaad 200 Sargaal (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal cusub tijaabisay iyo dowlado ka carooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---