Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka Beesha Murusade iyo Xawaadle ayaa duullaan culus ku qaaday deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.
Sida aan wararka ku heleyno dagaal culus ayaa ka socda toolooyin hoosta deegaanka Wabxo, waxaana aagaasi laga maqlayaa hub culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada huwanta ah iyo kuwa deegaanka.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada huwanta ah ayaa guulo ka sheegtay dagaalka socda, waxa ayna sheegeen in wax ka yar 10-km u jiraan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayna rejo ka qabaan in saacadaha soo socda la wareegaan.
Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in ay ku hoolan yihiin saarista miinooyin badan oo Al Shabaab ku aaseen duleedka deegaanka Wabxo iyo sidoo kale waddooyinka deegaankaasi gala.
Wali ma jiro faahfaahino laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda duleedka Wabxo, mana jiro wax war ah oo dowladda Soomaaliya ka soo saartay dagaalka ka bilowday deegaano hoostaga degmada Ceelbuur.
Ciidamada deegaanka beelaha Murusade iyo Dududble gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo deegaanka ayaa ujeedkoodu yahay in ay la wareegaan deegaano hoostaga degmada Ceelbuur iyo degmada Galhareeri.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com