Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Agaasimayaal cusub gobolka u magacaabay (Magacyo+Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta magacaabay agaasimayaal cusub uu yeelanayo maamulka gobolka Banaadir.

Wareegtooyin uu soo saaray duqa Muqdisho ayuu xilalka uga qaaday qaar kamid ah agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna magacaabay agaasimayaal cusub oo bedelaya kuwa xilalka laga qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana agaasimayaasha cusub uu magacaabay waxaa ku jira xubno horey guddoomiyaal degmo usoo noqday xilligii dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kale oo katirsan xisbiga UDP.

Agaasimayaasha la magacaabay ayaa waxaa kamid ah

1-Ahmed Nuur Cabdi Siyaad Agaasimaha Canshuuraha gobolka Banaadir.

2-Khaasim Cabdudlle Xasan  Agaasimaha xafiiska Duqa Muqdisho.

3-Cabdirashiid Cabdullaahi Salaad Agaasimaha Daddhigista Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale la filayaa in xilalka ka qaado agaasimayaal kale oo isugu jira kuwa sare iyo kuwa hoose oo u badan kuwa lasoo shaqeeyay maamulkii hore ee Cumar Finish hoggaaminayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo sheegtay in Sheegow uusan aheyn Jeneraal lagana ruqseeyay ciidanka DF

Cabdi Cade

NISA oo gacanta ku dhigtay nin fududeeyay ilaa 9 qarax oo Al Shabaab fulisay

Cabdi Cade

Wasiirad Fowsiya oo shaacisay tirada dadka cusub ee maanta laga helay COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---