Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Dalka Kenya (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Kenya.

Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulanka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda, wuxuuna la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada laga sameeyay Amniga, Dhismaha Ciidamada, Hufnaanta Maaliyadda, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha , Dekadaha iyo dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni inta uu xilka hayay wax badan ka qabtay deegaanada maamulka Puntland, waxa uu sidoo kale hadda socoto diyaarinta sidii doorashooyin qof iyo cod ah uga dhici lahaayeen deegaanada Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jirta Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, , Xildhibaano heer Federaal iyo Heer Puntland ah, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin badan oo isaga haray Doorashada Madaxweynaha Puntland (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Rabshado uu dhiig ku daatay oo Maalintii 2aad ka socda Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa

Caydiid Ali

Ciidamada Haramcad oo kala dhax galay Ciidamo ku dagaalamay Dayniile iyo Saraakiil …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---