Maxkamad kutaalla dalka Nageria ayaa xukuno dad badan layaabeen ku riday labo nin oo dhallinyaro ah oo lagu helay in ay aalada Tiktok wax uga sheegeen guddoomiye gobol katirsan dalka Nageria.
Mubarak Cise Maxamed iyo Maxamed Bula ayaa maxkamadda ku heshay dambi ah inay aflagaadeeyeen oo musuqmaasuq iyo eedeymo kale oo been abuur ah u jeediyeen , gudoomiyaha gobolka Kano, Mr Cabdullahi Ganduje.
Labadan dhallinyaro ayaa la xiray isbuucii lasoo dhaafay kaddib markii muuqaalka uu dhibsaday guddoomiyaha gobolka Kanu ku faafiyeen barta Tiktok, waxaana labadan dhallinyaro lagu soo oogay dacwado la xariira in ay aflagaadeeyeen masuul dowladeed.
Ragan dhallinyarada ah ayaa maxkamadda hortooda ka qirtay dambiga ay ka galeen guddoomiyaha gobolka Kanu, waxa ayna maxkamadda ka codsadeen in la cafiyo ama loo qafiifiyo xukunka lagu ridayo.
Garsooraha maxkamadda ayaa ku xukumay labada nin in midkiiba lagu dhufto 20 jeedal, ayna bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10,000 naira oo ah lacagta Nigeria (£20), waxaa sidoo kale lagu xukumay iyo in ay tirtiraan dhismaha maxkamadda muddo 30 maalmood.
Gobolka Kanu oo kuyaalla waqooyiga dalka Nageria ayaa kamid ah gobolada looga dhaqmo shareecada islaamka, waxaana gobolkasai iyo kuwa kale leeyihiin maxkamado gara ah oo dadka ku dhaqa shareecada islaamka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com