Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay xogo badan ay ka heleen Shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday dagaal dhinacyo badan ah ay kula jirto Al Shabaab, waxaana dagaalkaasi qeyb ka ah kahor taga faafinta wararka iyo dacaadayada Al Shabaab ee inta badan lagu faafin jiray websetyada qaar iyo baraha bulshada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hawada ka saartay websetyo Al Shabaab wararkooda ku faafin jireen, waxa ay sidoo kale dowladda hawada ka saartay baro badan oo bulshada ah sida Facebook iyo Twitter oo afkaarta Al Shabaab lagu faafin jiray.

Wasiir kuxigeenka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay mar walbo ay ula soo wadaagaan xogaha boggaga Al Shabaab sameestaan si ay afkaartooda ugu baahiyaan.

Waxa uu sheegay wasiirka iyaga oo ka faa’iideesanaya xogaha ay shacabka lasoo wadaageyn in si degdeg ah looga howl galay loona xiray baraha ay sameesteen Al Shabaab ee Facebook, Twitter iyo Tiktok.

”Shacabka Soomaaliyeed waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida joogtada ah ee aad noola soo wadaagaysaan Bogaga Khawaarijtu ay isku dayayaan in ay si dhuumaalaysi ah ugu faafiyaan Afkaartooda Habawsan. Waxaan ogaysiinaynaa Shacabkeenna Sharafta leh in Xogta aad nala soo wadaagtaan aan markiiba ka jawaabno innaga oo si joogto ah u xirna hadba halka ay isku dayaan Khawaarijtu in ay ku dhuuntaan.” ayuu yiri Al Cadaalada.
Wasiir kuxigeenka warfaafinta Soomaaliya Al Cadaalada ayaa sheegay in tan iyo markii ay bilaabeen joojinta baahinta dacaayadaha Al Shabaab in hawada laga saaray in ka badan shan boqol oo bar oo Al Shabaab ku lahaayeen baraha bulshada.
Dowladda Soomaaliya oo bilowday dagaal ka dhan ah Al Shabaab ayaa ku guuleesatay in hawada ka saarto fadhiyo badan ay baraha bulshada ku lahaayeen Al Shabaab iyo dad taageersan, waxa ayna taasi yareesay in la faafiyo dacaayadaha Al Shabaab rabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Q/Midoobay oo War ka soo saartay xaalad adag oo ka taagan Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Deni oo qaadacay sharciga doorashooyinka ee horyaalla Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare todobaadyo ka hor la riday oo mar kale xilka ku soo laabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---