Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Ciyaaryahan hore Didier Drogba uu qaatay Diinta Islaamka ?

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada si weyn ugu faafay war ku saabsan ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka Ivory Cost iyo kooxda Chelsea, Didier Drogba in uu qaatay diinta Islaamka.

Wadaad Muslim ah oo lagu magacaabo Maxamed Saalax ayaa barta uu Facebooka ku leeyahay ku baahiyay in Didier Drogba uu qaatay diinta Islaamka, waxaana qoraalka la socday sawir Drogba oo u duceesanaya sida Muslimiinta.

Sheekadan ayaana si degdeg ah ugu faantay baraha bulshada gaar ahaan dalalka Islaamka, waxaana dad badan oo muslimiin ah ku farxeen in ciyaaryahankan caanka ahaa uu soo islaamay.

Saacado kaddib markii warkan meel kasta gaaray ayaa ciyaaryahan hore Didier Drogba si degdeg ah arrintan uga hadlay, waxa uuna sheegay ciyaaryahanka in uusan jirin warka la faafiyay uuna wali heesto diintiisii uu horey u aaminsanaa.

”Sheekadan waa mid been ah, ma aanan bedelin diintayda ,tani waxay ahayd kaliya anniga oo ixtiraamaya walaalahayga muslimiinta ah ee aan ku booqanayay tuuladooda, taas oo an ku muujinaayay in aan walaalahayga aad u ixtiraamo mar walba. Daqiiqad wadajir ah ayaa qaadanay .Jacayl iyo barako ayaa idin rajeenayaa dhammaantiina.” ayuu yiri Drogba.
Ciyaartoy badan oo dunnida caan kasoo noqday iyo fanaaniin ayaa diinta Islaamka qaatay, waxaana jira ciyaartoy iyo dad kale oo badan oo jecel diinta Islaamka haddana aan wali qaadan , kuwaa oo ka helay hab dhaqanka saaxiibadooda islaamka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo Dhaqaatiir Adeegyo Caafimaad fulinaysa usoo direysa Soomaaliya

Cabdi Cade

Waa imisa Tirada guryaha B/xaawo ee Kenya damacsan tahay iney dhinaceeda marsato?

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo cafis weydiistay shacabka Magaalo ka tirsan dalkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---