Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo ka baxday degaan muhiim ah & ciidamada dowlada oo kaabiga ku haya

Ciidamo ka tirsan DF oo ka soo jeeda Beesha Duduble oo galabta ka ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa caawa gaaray halka loo yaqaano God Shilling oo kaabiga ku haya degaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud.

Gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah iyo hub kale ayaa la soo sheegayaa iney wataan ciidamadan oo maalmahanba lagu abaabulayey magaalada Dhuusamareeb, qaarkoodna laga duuliyey Muqdisho.

Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay iney iskaga baxeen degaanka Xiindheere oo muddo dheer ay ka talinayeen, ka dib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan, iyagoo aaday degaanada kale ee Al-shabaab ka joogaan gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan kuwa horkacaya ciidamada dowlada ayaa sheegay iney Xiindheere ku waabariisan doonaan inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Al-shabaab ay qaraxyo ku aaseen goobaha ay ciidamadu ka geli karaan degaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in ciidamadan ay Xiindheere uga sii talaabi doonaan degaanada Ceel Garas ilaa Ceel Qooxle.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA INSHA ALLAH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo caawa ka qeyb galay Munaasabadda calan-saarka 1-da Luulyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalka Masar wax badan oo aan horey u ogeyn ayaa hadda ka soo bartay!

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo si kulul u Weeraray dowlada Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---