Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Natalia Kanem oo booqasho ku timid Muqdisho & RW Xamse oo qaabilay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Drs. Natalia Kanem oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay madaxda hey’adda taageerada iyo hawsha ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya, gaar taageerada ay siiyaan haweenka iyo gabdhaha.

Dhinaceeda ayaa Agaasimaha, Dr Kanem waxa ay sheegtay inay taageersan tahay aragtida Ra’iisul Wasaaraha ee ah in iyada oo la isticmaalayo waxbarashada iyo dhaqaalaha kor loogu qaado doorka haweenka iyo gabdhuhu ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, taasi oo ah qaabka ugu habboon lagu gaarsiin karo horumar la taaban waara.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahayd Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ururada haweenka iyo dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo ku sugan Gaalkacyo oo Gadood sameeyay iyo midowga Yurub oo hanjabaad diray

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay Taliyaasha ciidanka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xaafada Woolwich ee Magaalada London oo si weyn looga dabaaldegay Ciidul Fitriga (Sawiro)

admin
Taboola Ads ---