Allbanaadir.com
NEWS

Nin Watay Hargo Shabeel oo Xukun adag lagu riday

Maxkamad kutaala dalka Itoobiya ayaa xukun ku riday in lagu qabtay isaga oo wato 10 harag shabeel oo ugaarsi lagu dilay, waxaana ninkan xukunka lagu riday lagu qabtay ismaamulka Oromiya.

Ciidamada booliiska Oromiya ayaa ninkan gacanta ku dhigay xili uu watay hargaha shabeel, waxa ayna booliisku kala cadeyn waayeen in ninkan uu isagu ugaarsaday Shabeelka iyo in kale.

Maxkamad lasoo taagay Caliyoow Kaasoow Xuseen ayaa ku riday xabsi labo sano iyo bar ah , waxaana  la sheegay in xabsiga intaa ka badan lahaa hadii ninkan ku cadaan laheyd in isagu ugaarsaday Shabeelka.

Ugaarsiga aan ruqsada loo heysan ayaa mamnuuc ka ah dalka Itoobiya, hasa ahaatee dalkaasi ayaa si joogta ah waxaa loogu ugaarsadaa xaywaanaadka kala duwan iyadoona dowlada ku guul dareesaty in si toos ah uga hortagto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed ” Farmaajo Doorashada dhaceysa Sidii Galmudug iyo Hirshabelle ayuu ugu soo baxaa ‘!

Cabdi Cade

Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Weerar ka dhacay Degmada Kaaraan

Cabdi Cade

Deni oo deg deg ugu laabtay Garowe, soona saaray amar ka dhan ah shirka Mucaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---