Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray kulamo Dadweyne oo ay Shacabka Gobolka Banaadir ku taageerayaan Kacdoonka Shacabka iyo midka Ciidamada Qalabka sida ee ka socda Gobolada dalka, kaasoo dalka lagaga saarayo Al-shabaab kulankaan ayaa galabta lagu daah-furay Degmooyinka iyo Deegaanada Qeybta Bari ee Gobolka Banaadir
.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Bulshada Gobolka Banaadir ee Caasimada Magaalada Muqdisho kula dardaarmay inay qeyb ka noqdaan Kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab iyagoo la shaqeynaya Laamaha Amaanka
Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dadka kunool Magaalada Muqdisho ay noqdaan kuwa iska saara cabsida Al-Shabaab oo ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin dhowr ah ka geysten Magaalada Muqdisho, isla markaana markii lagu soo jebiyay dagaallada ka socda Gobolada ay Carruurtooda iyo Xaasaskooda soo geliyeen caasimada.
Guddoomiyaha ayaa xusay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo markasta dhibaato maleegaya, wuxuuna Shacabka Muqdisho uu ugu baaqay inay ka feejignaadaan weeraro ayka geysan karaan Magaalada Muqdisho ayna wargeliyaan laamaha amaanka hadii ay arkaan waxyaabo ama dad ay ka shakiyaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com