Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo arrin muhiim ah kala hadlay wasiiro ka kala yimid dowlad goboleedyada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Duulista ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed oo maalmahaan magaalada Muqdisho ku lahaa shir ay soo agaasintay wasaaradda Duulista ee XFS.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka iyo natiijadii kasoo baxday shirkii ugu soo gebageboobay magaalada Muqdisho oo ay uga wada hadleen qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaaradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku amaanay wasiirrada wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta ay muujiyeen mudadii uu shirka uga socday Muqdisho

Waxaa uu ku boorriyay inay joogteeyaan wadajirka si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha hortebinta leh, adeegyada dowladeed ee wasaaraduhu bixiyaanna loo gaarsiiyo dhammaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha cusub ee NISA oo xilka la wareegay, balan-qaad adagna sameeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamadda ciidamada oo saakay xukun adag ku riday Yuusuf Duqow Xuseen oo lagu helay in uu…

Cabdi Cade

Hormuud oo deeq isugu jirta lacag, Raashin & Shidaal gaarsiisay Isbitaalada Danta Guud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---