Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ka wada Laftagareen iyo saraakiisha ciidanka Liyuu Boolis?

Magaalo xuduudeedka Ceelbarde ee degmada Cadaadle waxaa ka qabsoomay kulan ku saabsan adkeynta iyo sugidda amniga oo u dhexeeyay masuuliyiin ka socota DDS iyo maamul-goboleedka Koonfur-galbeed dalka Soomaaliya.

Kulankan oo ay iskugu yimaadeen masuuliyiin ka socota labada deegaan iyo labada gobol ee dariska ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Maxamed Lafta-gareen, wasiirro, Guddoomiyaha gobolka Shabeelle Mudane Aadan Axmed Sooyan iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee DDS Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu tahay sidii la iskaga kaashan lahaa adkeynta amniga ee la xiriira argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga, Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deegaanka ee udiyaar Garoobey Bilaabida Howlgalo Alshabaab looga saarayo Goobaha ay kaga joogaan Degaanada Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Xaashi oo ka hor yimid Xeer uu maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo digniin ka bixisay weeraro dhici kara

Caydiid Ali

Duqa Magaalada London oo ka hadlay geeridii ku timid dhigiisa Muqdisho

Caydiid Ali