Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo balanqaad u sameysay qoysaska ku agoontoobay Qaraxyadii Soobe

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare oo hogaaminaayo Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa maanta  soogaaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Farah Sheikh Abdulkadir oo wehliyo Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xil. Ahmed Cisman Daqane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Caabi iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxedyadda iyo Shaqaalaha ayaa maanta Kormeer ku yimid Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sodma.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Cabdiqaadir oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Qaran ayaa u mahadceliyey Hay’adda  Maareynta musiibooyinka qaranka, sidoo kale boogaadiyey Shaqadda ay Hay’addu  qabatay.

Wasiirka ayaa balanqaaday in Wasaaraddu siin doonto waxbarasha lacag la’aan ah ubadkii ay ka tageen Dadkii ku geeriyooday Musiibadii Soobe 2 heer Dugsi sare ilaa heer Jaamacadeed, Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Wasaaradda waxbarashada shir layeelatay Midowga Jaamacadaha, Midowga Dugsiyada iyo Midowga Daladaha waxbarashada shirkan oo dhaqaale loogu aruurinaayo dadkii ku waxyeeloobay Musiibaddii #soobe2

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Dr Cali Xaaji Aadan oo goobjoog ka ahaay Xarunta ayaa u mahadceliyey Dhamaan Hay’adda Dowliga ah oo kaalin weyn ka geestay u gurmashadda musiibaddii Soobe .

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiibooyinka qaranka mudane Mahamoud Moallim Abdulle oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud ee Maareynta Musiibooyinka mudane Cabdirisaq Axmed Cali ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashadda oo kaalin mug leh ku leheyd Gurmadkii Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo warbixin ku soo bandhigtay shirka Arab Forum For Equality (Sawirro)

Caydiid Ali

Magaalada qadiimiga ah ee Lalibela oo u gacan gashay Jabhada TPLF

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Cilad maanta ku timid Internetka

Cabdi Cade