Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaramada Midoobay oo War cusub ka soo saartay xaalad adag oo ka jirta Yemen

Madaxa guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Tuerk ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii dalka Yemen ee ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay. Iyada oo bilo ka hor uu dhamaaday heshiiskii xabbad joojinta ahaa, kaasoo sababay inay sare u kacaan khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaraya.

Dagaalka ka socda dalka Yemen oo bilaabmay sideed sano ka hor ayay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

War qoraal ah oo uu soo saaray Tuerk ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, tan iyo markii dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku guuldaraysteen inay kordhiyaan heshiiskii xabbad joojinta ee soconayey muddada lixda bilood ah, taasoo ku ekayd, bishii October 2-deedii. Guddoomiyaha guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku boorriyey inay ka wada hadlaan sidii loosoo afjari lahaa colaadda khasaaraha badan dhalisay.

Afhayeen u hadlay guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jeremy Laurence, ayaa sheegay in qaybo badan oo ka mida khasaaraha soo gaadhay shacabka, in lagu eedaynayo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen.

Laurence waxa uu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ugu dambeeyey, balse wuxuu sheegay in xafiiskiisu inuu xaqiijiyey saddex dhacdo oo duqaymo ah oo fallaagada ay dawladda Iran taageerto ay ka gaysteen dhulka ay dawladdu maamusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hirshabelle oo yeelaneysa dekad iyo Garoon si casri ah loo dhisayo

Cabdi Cade

Wasiir Axmed Cawad oo u dhoofay Jabuuti iyo Xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Xeer Ilaalinta Qaranka oo loogu baaqay in ay soo xiraan Muuse Biixi oo ku kacay Qiyaano Qaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---